Talaado 27 Jan 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Yuusuf.
Waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka dhaqaalaha, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed, gaar ahaan kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaataan dadaallada nabadda, ilaalinta madax-bannaanida iyo dib-u-dhiska dalka.
Dhankiisa, Maxamed Ibraahim Yuusuf ayaa xaqiijiyey in dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka labada dowladood, isaga oo xusay in Jabuuti ay qayb ka qaadanayso horumarka Soomaaliya, gaar ahaan amniga, la-dagaallanka AS iyo taageerada madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.







