Talaado 27 Jan 2026 {CBB}Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay wadatashiyada shacabka iyo maamul dalka lagala sameeyay wax ka badalka Dastuurka dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya ayaa lagu beeniyay hadallo ka soo yeeray Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo tilmaamay in aan wadashiyo laga sameyn Dastuurka dalka.
Wasaaradda ayaa xustay in wadashiyada kaliya ay ka maqan yihiin Maamulka Puntland, balse Shacabka deegaannadaasi ay arragtiyo ka dhiibteen wax ka badalka Dastuurka dalka.
“Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, iyo Guddiga La-socodka ee Baarlamaanka (OC), iyagoo kaashanaya Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.Hay’adahan ayaa fuliyay la-tashiyo dadweyne oo baahsan oo lagu qabday dawlad-goboleedyada oo dhan marka laga reebo Puntland si loo xaqiijiyo ka-qeybgal iyo daah-furnaan buuxda” ayaa lagu yiri Bayaanka Wasaaradda.
Hoos ka akhriso Qoraalka Wasaaradda








