Axad1 February 2026 {CBB}Taliyaha Ciidanka Booliiska qaybta Gobolka Banaadir, Gaashaanle sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa sheegay in la xirayo qof weliba oo ka shaqeynaya kicinta dadka iyo falal dhibaato ku noqon kara Xasiloonida sida uu hadalka u dhigay.
Macallin Mahdi ayaa sheegay in Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo qabanayaan qofkii caadaysta iska hor keenidda Bulshada iyo kicinta Dadka xitaa haddii uu dalka dibaddiisa jiro lana horgaynayo Maxkamad sida uu yiri
Taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa saacadihii lasoo dhaafay xiray dhallinyaro Baraha Bulshada caan ka ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka shaqeynayeen kicinta Dadka iyo qalqalgelinta Amniga sida lagu yiri warka Booliiska kasoo baxay.
Dhallinyarada la xiray ayaa kala ah Mahad Maxamud Xamarow oo loo garan ogyahay Garyaqaan & Yuusuf Xasan Cali oo sidoo kale lagu magacaabo Yuu Boss kuwaas oo lagu xiray Saldhigga Booliiska Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.







