Home WARARKA MAANTA Ciidanka Ilaalinaya Axmed Madoobe oo Muqdisho usoo safray

Ciidanka Ilaalinaya Axmed Madoobe oo Muqdisho usoo safray

11
0

Axad1 February 2026 {CBB}Ciidamada ilaalinaya Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Kismaayo iyaga oo kusoo jeeda Magaalada Muqdisho maadaama uu uga qaybgalayo shirka Dowladda Federaalka & Mucaaradka.

Muqdisho waxaa ka socda diyaargarowga shirka u dhaxeeya Dowladda iyo Mucaaradka oo lagu ballansan yahay in uu gelinka dambe ee maanta ka furmo Caasimadda, waxaa miiska saaran dhowr qodob oo indhaha lagu wada hayo.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dib ugu soo laabanaya wadahadallada Dowladda iyo xubnaha Mucaaradka kaddib markii uu kol hore isaga baxay shirarkii u dhaxeeyay labadaas dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here