Home WARARKA MAANTA Dowlada Sweden oo Maamulka Degmada Baydhabo kala shaqeeya Mashaariicyo Degmada

Dowlada Sweden oo Maamulka Degmada Baydhabo kala shaqeeya Mashaariicyo Degmada

34
0

Talaado 27 August, 2024 {CBB}Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa Manta Soo dhaweyey Madax kasoctey Dowlada Sweden oo Maamulka Degmada Baydhabo kala shaqeeya Mashaariicyo badan oo Hormareeneed kuwaas oo qeybka ah Dhismaha Guriyahaan loo dhisey Dadka Barakacayasha ah ee ku yaala xaafada EDC ee Magalada Baydhabo .

Wafdigan ka socdey Dowlada Sweden Ayaa Soo Kormeerey guriyaha loo dhisey Dadka Barakacayasha ah halkaas oo ay kula kulmeen Dadka degan , Waxayna ka wareysteey xaaladooda Nololeeda.

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ayaa Wafdigan uga warbixiyey Dhismaha guriyahaan isgoona ugu mahadceliyey kaalinta ay ka qaateen .

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Abdullahi Ali Watiin inta uu kusugnaa guriyahaan loo dhisey Dadka Barakacayasha Ayaa halkaas waxa ku talagaley geedo ay so diyaariyeen Green Arlaadi Organization Oo ka shaqeeya arimaha deegaanka iyo isbedelka cimilada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here