Home WARARKA MAANTA Warbaahinta oo loo diiday kulanka Barlamaanka Soomaaliya.

Warbaahinta oo loo diiday kulanka Barlamaanka Soomaaliya.

14
0

Isniin 2 Feb 2026 {CBB}Warbaahinta waxa ay laf-dhabar u tahay soo gudbinta dhacdooyinka waana marinka Bulshada si fudud ay ugala socon karaan dhacdooyinka jira, waxa ay si joogta ah Dadka ula wadaagtaa xogaha iyo macluumaadka taagan.

Muddo waxa ay Warbaahinta gole joog u ahayd kulamada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo gudbisaa Fadhiga tooska ah iyo waraysiyo gaar gaar ah oo lala yeesho Xildhibaannada kulankooda kaddib.

Maanta waxaa jira kulan Baarlamaanka labadii Aqal uu ka leeyahay Dastuurka gaar ahaan Cutubyada 5aad ilaa 9aad, kulankii kan ka horreeyay waxa uu ka furmi waayay buuq ka dhex dhacay Xildhibaannada oo ugu danbayn la ganaaxay.

Ganaax safmar ah ayuu Guddoonka Baarlamaanka la dulmaray Xildhibaannadii labada dhinac kala ahaa iyo Warbaahintii tabinaysay fadhiga guud, tallaabada Warbahinta looga joojiyay kulanka maanta waxaa dulsaaran su’aalo badan sida waxa uu Guddoonka Bulshada ka qarinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here