Isniin 2 Feb 2026 {CBB}Waxaa ku dhowaad 3 sano kaddib dib u billowday duullimaadkii tooska ahaa ee Garoonka Diyaaradaha Khartuum ee Dalka Suudaan kaddib markii ay saamayn taban ku reebeen dagaalladii sokeeye ee dalkaas uu galay.
Duullimaadkii ugu horreeyay oo ka kicitimay Magaalada Port Sudan oo dowladda maamulka gacanta haatan ku haysa ku shaqeyneysay muddo kooban ayay kasoo duushay waana Sudan Air oo Khartuum cagaha dhigatay.
Guushii Ciidamada Maamulka Militariga ah ee golaha uu hoggaamiyo Cabdifitaax Alburhaan ka gaareen Kooxda Gurmadka degdega ah ee RSF ee garabka ka heleysay Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta waxa ay keentay isbaddel cusub.
Dadka Suudaan ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka togan ee sida isdaba joogga ah ay u wadaan Ciidamada Dalkaas ee guusha ka gaaray Kooxda RSF, waxaa dib boorka looga jafay howlihii muhiimka ahaa sida in ay Dowladdu dib ugu laabatay Caasimadda.







