Home WARARKA CAALAMKA Shiinaha oo dil toogasho ah ku fuliyay afar xubnood oo katirsan qoyska...

Shiinaha oo dil toogasho ah ku fuliyay afar xubnood oo katirsan qoyska Bai

11
0

Isniin 2 Feb 2026 {CBB}Dowladda Shiinaha ayaa la sheegay in ay dil toogasho ah ku fulisay 4 xubnood oo katirsan qoyska Maafiyada ee Bai oo kamid ah boqortooyooyinka caanka ah ee maamulayay xarumo lagu tilmaamay in ay yihiin been abuur oo ku yaalla Myanmar.

Warbaahinta Dowladda ayaa ku warrantay in afartaas xubnood ay kamid ahaayeen 21 ruux oo la toogtay kuwaas oo isugu jiray xubnaha qoyskaas iyo dad kale oo la shaqaynayay sida lagu muujiyay warbixintaan lasoo gudbiyay.

November 2025 waxa ay Maxkamad xukuntay 5 kmaid ah dadkaas oo dil toogasho ah lagu riday waxaana ku jira madaxa qabiilka Bai Soucheng kaas oo u dhintay xannuun aan la faahfaahin waxa uu ahaa isaga oo lagu fulin xukunkii lagu riday.

Shiinaha ayaa xabsiga dhigay saraakiil badan iyo xubno dhaqameed lagu eedeeyay in ay ku dhaqaaqeen tallaabooyin sharci darro sida qaarkood in ay sameeyeen khiyaanno qaran iyo abuurista kooxo maafiyo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here