Axad1 February 2026 {CBB}Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa qoraal uu soosaaray ku ganaaxay Xildhibaanno katirsan Golahaas oo 28kii Janaayo 2026 rabshad ka dhex sameeyay kulankooda oo ugu danbayn lagu kala tagay.
Qoraalka ayaa lagu sheegay magacyada xubnaha la ganaaxay oo isugu jiray Muxaafid iyo Mucaarad kuwaas oo qaarkood isu gacan qaaday inkasta oo markii danbe ay ka heshiiyeen gacan-qaadkaas balse waxaa lagu qaaday xeer hoosaadkooda.
Xildhibaannadaan ayaa lagu ganaaxay in aysan ka qaybgali Karin 12 kulan oo isugu jira fadhiyada guud ee labada Gole iyo kan gaarka u ah Golaha Shacabka, waxa uu ganaaxa ka billaabanayaa 2da Febaraayo 2026 oo berri ah.
Halkaan ka aqriso Magacyada Xildhibaannada la ganaaxay & kuwa digniinta loo diray:

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa horyaalla cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Dalka, kulankii Arbacada oo lagu waday in la guda-galo waxaa buuq iyo firimbi kala hortagay Xildhibaanno sheegay in ay diidan yihiin dib u eegistaas.







