Home WARARKA MAANTA Dowlad Gobaleedyada Puntland & Jubbaland oo war kasoo saaray ciidankii maanta dib...

Dowlad Gobaleedyada Puntland & Jubbaland oo war kasoo saaray ciidankii maanta dib looga celiyay Muqdisho

34
0

Axad1 February 2026 {CBB}War kasoo baxay waqti isku mid ah Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa looga hadlay go’aanka Dowladda Federaalka ay maanta dib ugu celisay Diyaarado waday Ciidamo aad u hubaysan oo kasoo duullay Magaalooyinka Garoowe & Kismaayo.

Ciidankaas ayaa hordhac u ahaa Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa walaac looga muujiyay go’aankaas ciidamada dib loogu celiyay.

Halkaan Hoose ka aqriso Warqadda kasoo baxday DG Puntland.

 

May be an image of text

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta ciidamadaas dib loogu celiyay ay tahay kaddib markii ciidamadaas ay ka bateen tiradii loo ogolaa in ay Muqdisho keensadaan Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland & Jubbaland.

La soco warka laga sugayo Guddiga Farsamo iyo Dowladda Federaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here