Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed oo la Kulmay Madaxa Xafiiska...

Sawiro;-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed oo la Kulmay Madaxa Xafiiska UNTMIS ee Baydhabo

18
0

Axad1 February 2026 {CBB}Baydhabo – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska UNTMIS ee magaalada Baydhabo, Mudane Englbert Kueko.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Xafiiska UNTMIS iyo Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay doorka ay hay’adaha caalamiga ah ka qaadanayaan xasilinta, horumarinta iyo adkeynta hay’adaha dowliga ah.
Labada dhinac ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay dardargelinta wada-hawlgalka joogtada ah, si loo xaqiijiyo hirgelinta barnaamijyada mudnaanta u leh Dowladda Koonfur Galbeed, loona xoojiyo doorka UNTMIS ee taageerada dowlad-dhiska iyo nabadeynta.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyay Madaxa Xafiiska UNTMIS booqashadiisa iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Koonfur Galbeed, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhexeeya labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here