Home WARARKA CAALAMKA Sidee ayay Qaramada Midoobay & Midowga Yurub uga falceliyeen go’aankii Muqdisho dib...

Sidee ayay Qaramada Midoobay & Midowga Yurub uga falceliyeen go’aankii Muqdisho dib looga celiyay diyaaradihii waday ilaalada Madoobe iyo Deni?

12
0

Isniin 2 Feb 2026 {CBB}Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNTMIS & Midowga Yurub ayaa ka falceliyay dib u celinta Ciidamada hordhaca u ahaa Madaxda Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland si ay u adkeeyaan amniga Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyadaas.

Bayaanka UNTMIS ayaa lagu muujiyay walaaca la xiriira natiijada ka dhallan karta go’aankaas, waxa uu labada dhinac ugu baaqay in diiradda la saaro shirka wada-hadalka ah ee lagu raadinayo xalka siyaasadeed ee Mustaqbalka Dalka.

Dhankiisa Midowga Yurub waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in ciidamada hordhaca u ahaa Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland dib looga celiyo Hawada, waxa uu ururkaas ku baaqay in dhinacyada ay tani quseyso in ay kawada hadlaan dhabbaha xalka lagu gaari karo.

Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa dhaleeceeyay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib ugu celisay Ciidamadii kasoo safray Garoowe & Kismaayo halka Dowladda Dhexe ay difaacday go’aankeeda dib u celinta ciidankaas.

Beesha Caalamka ayaa dhowaan soo dhaweysay gogosha ay dhigtay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si ay madashaas ugu wadahadlaan Dowladda iyo Mucaaradka, waxaa shaqo adag qabtay guddiga farsamo ee labada dhinac oo dajiyay hannaanka lagu hayo shirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here