Isniin 2 Feb 2026 {CBB}Si xadidan ayaa dib loogu furay marinka Rafax oo dhankiisa Masar ay yaallaan Gargaar isugu jira Cunto, Biyo, Daawooyin & waxyaabo kale ay u baahan yihiin dad ku nool dhanka kale ee marinkaas oo ah Magaalada Gaza ee Dalka Falastiin.
Marinkaan Rafax waxa uu muhiim u yahay isu gudubka Gargaarkaas iyo Dadka u baahan ee reer Gaza ah, iyada oo Ciidamada Gumaysiga Israa’iil ay is hor istaagayaan kaalmada la doonayo in loo gudbiyo Dadkaas sida marar badan dhacday.
Laga soo billaabo Bishii Oktoobar 2025 waxaa socday dedaallo lagu doonayo sidii marinka Rafax dib loogu furi lahaa Dadka dhibaataysan ee Gaza ku nool kuwaas oo xaalado aad u liita kala kulmaya ciidamada go’doomiyay ee Israa’iil.
Muddo dheer ayaa la sugayay in marinkaan ay ka gudbaan Gawaarida xamuulka ah iyo kuwa dawooyinka wada ee Ambalaasta loo yaqaan, maanta ayaa si kooban loo furay inkasta oo Israa’iil lagu cadaadinayo sidii waqti ku filan dadkaas ay u heli lahaayeen.
Gaadiidka Gurmadka degdega ah waxa ay soo qaadayaan marka ay tagaan Magaalada Gaza dad qaarkood dhaawacyo halis ah kasoo gaartay weerarrada Israa’iil ay ka gaysteen Magaaladaas si ay u helaan Daryeel Caafimaad oo dibaddda ah.







