Khamiis 5 Feb 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka , inkastoo ay jiraan khilaafaad ka dhex taagan Baarlamaanka Federaalka iyo diidmo ay muujinayaan qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, oo lagu wareejinayay xilka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wuxuu xusay in dowladda aysan ogolaan doonin in ismariwaa siyaasadeed uu hakiyo horumarka dalka.
“Waad ogtihiin in dhameystirka dastuurka uu socdo, dowladduna ma aqbalayso in lagu sii jiro xaalad is-taag ah, dalku wuxuu u baahan yahay inuu hore u socdo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli dadaallada wax ka beddelka dastuurka ay sababeen is gacan qaad oo markii dambe Booliska ay soo farageliyeen kana dhacay gudaha Baarlamaanka Federaalka, halkaas oo xildhibaano mucaarad ah ay hor istaageen fadhiyaal, isla markaana ay isku dhacyo la galeen ciidanka ammaanka.
Dastuurka KMG ah ayaa weli ah mid kamid ah qodobada siyaasadeed ee ugu muranka badan Soomaaliya, iyadoo guusha dib-u-eegistiisa ay ku xiran tahay xal loo helo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Waxaa sidoo kale la xusay in muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka uu ku eg yahay bisha Abriil 2026, halka kan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu dhammaanayo bisha May 2026, arrintaas oo sii kordhinaysa cadaadiska siyaasadeed ee ku xeeran dhameystirka dastuurka.







