Jimco 6 Feb 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta dhalisay dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo oo xarun kumeel-gaar u ah Dowlad-Goboleedkaas.
Laftagareen ayaa dhinaca la dagaalay Ciidamada ka amarqaata maamulkiisa ku eedeeyay in ay dhagaxaan ku jareen waddooyinka Magaalada Baydhabo, dhaawac u gaysteen ciidamo booliis ah, is hor istaag ku sameeyeen canshuur qaadis iyo isu socodka mas’uuliyiinta.
Muddo sannad ah ayuu tilmaamay in ay ka baaqsanayeen dagaal ay la galaan Rag ciidamo haysta oo la jooga Magaalada Baydhabo balse ugu dambayn ay huri waayeen markii ay waayeen marin danbe oo ay ka maraan ‘Daan-daansigooda’ sidaasina ay dagaalka ku galeen.
“Waxa shalay iyo Dorraad ka dhacay Magaalada Baydhabo waxa aan baxnaaninaynay si looga baaqsado muddo sanad ah, Odoyaal waa ka noogay & Madaxda dalka ugu sarraysa ayaa ka noogtay, nabad iyo degenaashiyo deegaannadaan uma rabno ayay dhaheen,” Sidaasi waxaa yiri, MW DG Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
“Waxyaabaha aan hal sanno hoos u fiirino oo nala dhaho way cabsadeen oo fuleeyo oo inta wiilal hub loosoo dhiibay ay marba dhinac maraayeen waxa ay ahayd oo aan diidaynay in la dhaho Magaaladaan Baydhabo ayaa xabbad ka dhacday” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.
Khasaaraha dhimashada Dadka Rayidka ah waxa uu ku sheegay in ay yihiin labo ruux oo dumar ah, halka dadka ugu badan ee ku dhintay ay yihiih ciidamadii dagaalamay isaga oo ku sifeeyay in ay taasi tahay “Kugu dhimay iyo kaa dhimay, kii dhinta waa aniga”.
“Baydhabo waa Magaalada Labaad ee dad badan ku nool, waxa ay dadka intaas la eg ugu soo carareen waa nabadgalyada ka jirta, Dadkaan Shacabka ah ee aan mas’uulka ka nahay inta awooddeenna ah ku ilaalino kuna noolaadaan waa ujeedda ugu badan.” Ayuu yiri MW DG Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Ugu dambayn waxa uu ku baaqay wadahadal isaga oo sheegay in dagaalka loo baddelo wadaxaajood lagana dhagaysanayo cid weliba oo tabasho qabta, ka maamul ahaan waxa uu sheegay in ay cafiyeen dhanka kasoo horjeeday sida uu hadalka u dhigay.
“Qof kasta oo reer Koofur Galbeed ah Cafis ayuu naga yahay, Walaalka naga weeye, hanoo soo dhawaado, hanala joogo, Koofur Galbeed aniga ma lihi, mas’uuliyaddaan ayaa ilaahay nasiibkayga ka dhigay, Maalintii ilaahay ii qoraa ka tagaa, si nabad ah ayaan uga tagayaa, haddii ilaahay ii qorana in aan sii joogo una adeego dadkaan waan sii joogayaa, wanaagii aan qabtay ayaan sii qabanayaa, Dan kale oo aan ka leeyahay malahan” Sidaasi waxaa yiri, MW DG Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.
Hoos K Daawo;-linkiga







