Jimco 6 Feb 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Magaalada Kismaayo kula kulmay saraakiil katirsan howlgalka Maraykanka ee Qaaradda Afrika kuna howlgala Magaca AFRICOM.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Saraakiisha AFRICOM kala hadlay howlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah ‘AS’ kaas oo xooggiisa ka socda deegaanno katirsan Gobollada Jubbooyinka ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.
Waxa ay ku ballameen iskaashi dhexmara Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo Taliska Maraykanka ee AFRICOM maadaama taliskaan uu la howlgallo ciidamada Kumaandooska federaalka ee DANAB oo Jubbaland ka howlgalla.
Axmed Madoobe ayaa billad guddoonsiiyay Saraakiisha Maraykanka ee AFRICOM isaga oo ku bogaadiyay doorkii ay ka qaateen hwolgalladii ugu danbeeyay ee duqaymaha ahaa oo ay ka fuliyeen Gobolka Jubada Hoose.







