Home WARARKA MAANTA Taliye ku xigeenkii Ciidanka Ruushka oo lagu toogtay Magaalada Moscow

Taliye ku xigeenkii Ciidanka Ruushka oo lagu toogtay Magaalada Moscow

14
0

Jimco  6 Feb 2026 {CBB}Magaalada Moscow ee Caasimadda Ruushka waxaa lagu toogtay Taliye ku xigeenka Ciidanka Dalkaas oo lagu magacaabo Janaraal Vladimir Alexeyev oo dhanka kale ahaa nin aad ugu dhow Madaxweynaha waddankaas ee Vladimir Putin.

Dhaawac darran ayaa la sheegay in ay toogashadaas kasoo gaartay Alexeyev oo la dhigay mid kamid ah Isbitaallada gaarka ah ee ku yaalla Magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, waxaa taagan xiisad arrintaas ka dhalatay.

Alexeyev waxa uu kamid noqday saraakiil muhiim u ah Dowladda Madaxweyne Vladimir Putin oo aan la garan cidda ka dambaysa beegsigooda kuwaas oo qaarkood lagu dilay qaraxyo iyo dilal qorshaysan halka qaar kale ay ku dhaawacmeen weerarradaas ka dhanka ah.

Taliye ku xigeenka la toogtay waxa uu gacanta ku hayay galka diiwaanka howlgallada ciidamada Ruushka, Qof Bistoolad watay ayaa ku dhuftay dhowr xabbo, dhaawac darran oo soo gaaray ayaa loola cararay goob kamid ah kuwa caafimaadka oo ilaa haatan lagu hayo.

Xilkaan ah ku xigeenka Taliyaha Ciidanka Ruushka waxa uu hayaa tan iyo sanadkii 2011, halka sanadkii 2017 lagu guddoonsiiyay Abaalmarinta loogu magac daray “Halyayga Geesiga ah ee Ruushka” kaddib markii uu howlgallo culus ka fuliyay Bariga Dhexe gaar ahaan Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here