Home WARARKA MAANTA Booliiska Soomaaliya oo hirgelinaya hannaan isku xiraya Saldhigyada, Dambi Baarista, Maxkamadda Garsoorka...

Booliiska Soomaaliya oo hirgelinaya hannaan isku xiraya Saldhigyada, Dambi Baarista, Maxkamadda Garsoorka & Xeer Ilaalinta

15
0

Jimco  6 Feb 2026 {CBB}Booliiska Soomaaliya ayaa dhowaan hirgelinaya hannaan u fududaynaya in ay si wadajir ah uga wada warqabaan Saldhigyada Booliiska, Xarunta Dambi Baarista ee CID, Maxkamadda Garsoorka & Xeer ilaalinta waqti isku mid ah si ay uwada helaan xogta dambiga dhacay.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya,  Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka loo tababaray dhallinyarada ku shaqayneysa hannaankaan si loo fududeeyo xogta dambiyada dhaca sida uu hadalka u dhigay.

Dowlad uusan sheegin ayuu shaaciyay in ay ka gacansiinayso arrintaan, waxaana uu wajiga labaad ku tilmaamay in Xarunta Dambi Baarista ah ee CID lagu xirayo Gobollada Dalka si loo qabto qofka dambiilaha ah sida uu yiri.

“Waxaa jira Hannaan si wadajir ah isugu jira 20ka Saldhig ee Booliis ee Gobolka Banaadir, Hoggaanka Baarista Dambiyada ee CID, Maxkamadda Garsoorka & Xeer Ilaalinta, Kiiska marka uu dhaco Kooxdii ka shaqayn lahayd ayaa tababar u billowday, 6da bil ee ugu horraysa 2026 ayay shaqadaan billaabanee, qofkii la xiro xogtiisa way wada gaaree, Baaraha lagu qoray xogtiisa ayaa soo baxee, Dowlad aan saaxiib nahay ayaa naga caawinayso” Sidaasi waxaa yiri, Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Booliiska Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday qorshe cusub oo lagu horumarinayo hannaan midaynaya shaqooyinka ka socda Saldhigyada Booliiska, Hay’adda Dambi Baarista ee CID iyo Xeer ilaalinta si loo fududeeyo diyaarinta dambiyada dhaca iyo baaristooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here