
Axad 8 Feb 2026 {CBB}
Madaxweynaha Dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in uu weli jiro cadaadis xooggan oo uga imaanaya Maraykanka oo la xiriira in uu ka tanaasulo qayb kamid dhulkiisa oo Ruushka la siinayo si loosoo afjaro colaadda saamaynta taban ku reebtay Dalkiisa.
Zelensky ayaa tilmaamay in wadaxaajoodka socda uu yahay mid lagu qaybinayo Ukraine si qayb kamid ah uu u qaato Dalka cadawga ku ah ee Ruushka halka sidoo kale uu jiro qorshe oo kale oo la xiriira in Gobollo kale laga sii jari doonno dalkiisa.
Sida la qorsheeyay, dagaalka Ruushka iyo Ukraine u dhaxeeya ayaa lagu soo afjari doonnaa ilaa dhammaadka Bisha June oo ah bartamaha 12ka Bil ee sanadkaan 2026 waa haddii la isku fahmo wadahadallada socda iyo in Xukuumaddiisa aan lagu qasbin ka tanaasulka dhulkeeda.
Ukraine oo Maraykanka Maciin bidaysay una aragtay inay ka dugsan karaan awoodda Militari ee Ruushka ayaa garab ka weysay Xukuumadda Washington kaddib markii uu Xafiiska yimid Madaxweyne Donald Trump oo lagu xagliyo dhinaca Moscow.






