Home WARARKA MAANTA Cali Balcad “Soomaaliya waxaa ka go’an in ay difaacato midnimadeeda & Dhulkeeda”

Cali Balcad “Soomaaliya waxaa ka go’an in ay difaacato midnimadeeda & Dhulkeeda”

11
0

Axad 8 Feb 2026 {CBB}Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay qaaddo tallaab weliba oo ay ku difaacanayso midnimadeeda & Dhulkeeda.

Cali Balcad oo la hadlay Teleefishinka Aljazeera ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojisay iskaashiga Dalalka ay u aragto in ay ku gacansiin karaan dedaalkeeda si ay meel isaga xirto faragelinta shisheeye ee dalkeeda lagu hayo sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaaliya waxaa ka go’an in ay difaacato midnimadeeda & dhulkeeda, dabcan ma aqbalayno in Israa’iil ay usoo rarto Dadka Gaza si qasab, waxa aan qaadnay tallaabooyin diblumaasi innaga oo iskaashi la samaynay Turkiga, Sacuudiga, Masar & Dalal kale” Sidaasi waxaa yiri, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Cali Maxamed Cumar (Balcad).

Mar wax laga weydiiyay maamulka Dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo ee Shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP WORLD waxa uu tilmaamay in aanay Soomaaliya aqbali doonnin in si sharci darro ah loo maamulo dekedahaas.

“Dekedaha Berbera, Boosaaso & Kismaayo. Saddexdaas heshiisyada ay la galeen Shirkadda Imaaraatka waa sharci darro isla markaana ma ahan kuwo ansaxaya, dabcan heshiisyadaan laguma gelin fasax laga qaatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, saddexaad dedkedood waa hanti Soomaaliyeed oo la dhisay 1960-meeyadii & 1970-meeyadii, sidaas darteed Shacabka Soomaaliyeed waxaa heshiisyo ku saabsan Khayraatkooda oo lala galo Waddan Shisheeye ku matalaysa Dowladda Dhexe” ayuu Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Cali Cumar Balcad.

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay arrintaan u gudbin doonno khubarro dhinaca Sharciga ah si loo caddeeyo xaaladda sharciyeed haddii ay doodo dhinaca qaanuunka ah la yimaadaan shirkadaha laga leeyahay Imaaraatka ee heshiisyadaas ku galay Berbera, Boosaaso & Kismaayo sida uu hadalka u dhigay.

“Dabcan, arrintaan waxa aan u gudbin doonnaa khubarro dhinaca sharciga ah si ay noogu caddeeyaan xaaladdeeda sharciyeed.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad).

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay dedaallada ay lagu xoojinayo difaaca dalka kaddib markii Israa’iil ay si toos ah u faragelisay midnimadeeda 26kii December 2025 kaddib markii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay in uu aqoonsaday Maamulka Gobollada Waqooyi Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here