Home WARARKA CAALAMKA Dowladda Masar oo qarisay falcelinta laga sameeyay warka ay ku xaqiijisay Geerida...

Dowladda Masar oo qarisay falcelinta laga sameeyay warka ay ku xaqiijisay Geerida Garsoore dadka dil ku xukumi jiray

12
0

Axad 8 Feb 2026 {CBB}Dowladda Masar ayaa xirtay qaybaha aragtida ee laga dhiibtay war ku saabsan Garsoore katirsan Maxkamadda Sare ee Dalkaas oo lagu magacaabo Maxamed Naaji Shaxaata oo dadku ugu magac dareen ‘Garsooraha Xukunnada Dilka ah’.

Ninkaan oo geeridooay Jimcihii waxa ay Dowladda soo dhigtay war ay ku xaqiijineyso in uu geeriyooday, durba waxaa billowday falcelin xooggan oo inteeda badan isku dhinac ah taasi oo lagu muujinayay dadkana lagu soo xusuusinayay xukunnadii uu riday.

Laga soo billaabo sanadkii 2013, waxa uu Garsoore Naaji riday Xukunno dil toogasho ah oo lagu dilay dad u badan Xubnaha Ikhaawanul Muslimiin iyo dadka mucaaradka ah ee loo arko in ay kasoo horjeedaan Dowladda haatan talada haysa.

Markii Dowladdu ay xirtay falcelinta Dadka waxaa bilowday in Dad caan ah oo leh taageerayaal badan in ay soo dhigaan qoraallo ay si toos ah ugu soo bandhigayaan xukunnadii saamaynta ku yeeshay dalkaas ee uu riday isaga oo Qaaddi ka ahaa Maxkamadda.

Doodda oo jiitantay waxaa kaddib ka hadlay qaar kamid ah Culimada Dalalka Carabta kuwaas oo soo jeediyay in la xushmeeyo Qaaddiga dhintay iyaga oo sheegay in dad badan xukunno uu riday ay naftooda ku waayeen kuwaas oo qaarkood la dulmiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here