Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh oo saraakiisha ciidamada xoogga kala hadlay dagaalka AS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saraakiisha ciidamada xoogga kala hadlay dagaalka AS

46
0

Axad  31 August, 2024 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay saraakiisha sare ee ciidamada xoogga, iyada oo looga hadlay arrimo la xiriira dagaalka AS.

Kulanka oo ka dhacay xarruunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo saraakiisha ciidamada xoogga.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada ayaa Madaxweynaha la wadaagay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Kormeerka uu madaxweynaha ku tagey xarruunta wasaaradda gaashaandhiga ayaa ku soo aadaya xilli ay ciidamada xoogga howlgallo ka dhan ah AS ka wadaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here