Home WARARKA CAALAMKA Maraykanka oo billaabay in uu ciidankiisa kala baxo Suuriya

Maraykanka oo billaabay in uu ciidankiisa kala baxo Suuriya

3
0

Isniin 23 Feb 2026 {CBB}Maraykanka ayaa la sheegay in uu ciidankiisa kala baxay qaybo kamid ah Suuriya gaar ahaan Saldhigga Kasrak ee ku yaalla dhulka Hawdka ah ee Waqooyi-Galbeed ee Xaskah oo dhacda Xuduudda dalkaas uu la wadaago Dalalka Ciraaq iyo Turkiga.

Suxufi katirsan Teleefishinka Aljazeera oo xogtaan soo gudbiyay ayaa sheegay in uu arkay Gaadiidka waa wayn ee xamuulka ciidanka u qaada iyo Taankiyada dagaalka oo isaga sii baxaya Magaaladaas oo muddo ay joogeen.

Tani waa qayb kamid ah qorshaha isbaddelka Suuriya ee Dowladda dalkaas iyada oo ay jiraan heshiisyo kala duwan oo Xukuumadda Dimishiq la galay Kooxo hubaysan oo qaarkood la shaqayn jiray Dalalka waddankaas ciidanka geeyay iyo kuwo hab beel u abaabulan.

Dowladaha Suuriya iyo Maraykanka weli ma jiraan faahfaahin ay ka bixiyeen bixitaanka ciidankaan oo muddo ku sugnaa dhul hawd ah halkaas oo dhowr jeer ay kula kulmeen weerarro uga yimid dhinacyo hubaysan sida xogaha ay muujinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here