Home WARARKA CAALAMKA Iiraan oo sheegtay in aysan marnaba ka tanaasuli doonnin Barnaamijkeeda Nukliyeerka

Iiraan oo sheegtay in aysan marnaba ka tanaasuli doonnin Barnaamijkeeda Nukliyeerka

3
0

Isniin 23 Feb 2026 {CBB}Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in aysan marna ka tanaasuli doonnin Barnaamijkeeda Nukliyeerka kaddib markii Maraykanka uu culays ku saaray Xukuumadda Tehran sidii ay u baabi’in lahayd guud ahaan Barnaamijkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa sheegay in Dowladdiisa ay ogoshay wadahadal la xiriira in laga xaajoodo sidii Tehran ay u ballanqaadi lahayd in aysan adeegsan Hubkaas balse qorshaha lagu burburinayo aanay u laqmayn dhankooda.

Abbas ayaa intaas ku daray in Tehran ay diiradda saarayso sii wadista wadahadallada siyaasadeed ee Maraykanka iyada oo aanay shuruuc laga dhigayn in Xukuumadda Iiraan ay gabi ahaanba baabi’iso gantaalladeeda Nukliyeerka iyo maadooyinka ee halista ah.

Iiraan ayaa ku hanjabtay in haddii Maraykanka uu weerarro dhankooda in ay baaruuddu gaari doonto dhammaan Saldhigyada iyo danaha Washington ay ku leedahay Gobolka, Tehran ayaa intaas ku dartay in ay cashir dhigi doonto haddii la beegsado.

Dad falanqeeya arrimaha Militariga ah oo la hadlay Warbaahin kala duwan ayaa hadalka Iiraan ku sifeeyay mid ay ku doonayso sidii ay u dhumin lahayd Maraykanka iyo xulufadiisa maadaama ay og tahay in mar uun la weerarayo oo ciidamo badan ay dul joogaan.

Khamiista ayaa loo ballansan yahay in Magaalada Geneva ee Switzerland ay ku kulmaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan iyo Ergayga Madaxweynaha Maraykanka Donald u qaabilsan arrimahaan oo lagu magacaabo Steve Witkoff.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here