Home WARARKA MAANTA Booliiska DG Puntland oo soo bandhigay Rag hubeysan oo ku eedeysan Burcad...

Booliiska DG Puntland oo soo bandhigay Rag hubeysan oo ku eedeysan Burcad badeednimo

38
0

Isniin 02, Sept 2024 {CBB}Howlgal qaatay in ka badan 24 saac oo ay sameeyeen Ciidamada Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland kana dhacay Raasi Casayr ayaa lagu soo qabtay Rag ku eedeysan in ay yihiin Burcad Badeed kuwaas oo watay Doon, Shidaal badan iyo qori nooca garabka laga tuuro RPG.

Ciidamada ayaa soo bandhigay saddex rag oo ay indhaha ka xireen halka ay shaaciyeen in ay ku raad-joogaan afar kale oo kooxdaan katirsanayd balse ka baxsaday ciidanka ammaanka sida uu lagu sheegay warkaan ka soo baxay Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland.

Xidigle Maxamed Xasan Ciise oo ah Taliyaha Degmada Bareeda ee Gobolka Raasi Casayr Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Warbaahinta u sheegay in Raggaan loo gudbin doonno Maxkamad si loogu ciqaabo dambiga ay kusoo eedeeyeen.

Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa inta uu howlgalka ku jiray waxa uu Dadka degen dhanka Xeebta ku wargeliyay in ay la wadaagaan xogta Afarta nin ee baxsadka ah ee la doonayo in lasoo qabto si loo maxkamadeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here