Isniin 02, Sept 2024 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in Dayn Cafintii kaddib in uu Dalka sameeyay horumar dhanka Dhaqaalaha ah taasina ay muujineyso dedaallada sida wadajirka ah loo geliyay arrintaas.
Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa intaas ku daray in ay jiraan Dad badan oo Soomaali ah kuna nool Dalka Maraykanka oo guullo waa weyn ka gaaray dhanka Ganacsiga, waxa uu bogaadiyay dedaalkaas xooggan ay sameeyeen.
Waxa uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan in Madaxda Hay’adda Lacagta Adduunka & Bangiga Adduunka uu kala hadlay halka uu Dalka marayo iyo isbaddelka ka jira.
“Soomaaliya, Dayn cafinta kaddib waxa ay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah, runtii waa arrin lagu farxo, waxa aan ku howlanahay sidii aan usii xaqiijin lahayn guulahaas la gaaray” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige.
Waxa uu Soomaaliya ku metalay Shir dhowaan ka dhacay Dalka Maraykanka, Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda kala duwan ee shirkaas ka qayb gashay isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya.