Isniin 02, Sept 2024 {CBB}Dibadbaxyada ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa kusii xooggaystay Magaalada Tel Aviv, Dadka bannaanbaxa dhigaya oo u badan ehelka Maxaabiista la dilay iyo kuwa weli ku maqan gacanta Xamaas ayaa dalbaday xabbad-joojin & wadahadal.
Dadkaan ayaa ku qaylo dhaaminayay ereyo ka dhan ah Benjamin Netanyahu, waxa ay sheegeen hoggaankooda in ay sii wadayaan bannaanbaxa ilaa inta uu ka aqbalayo xabbad-joojinta iyo wadahdal maxaabiis is dhaafsi ah si ay markale ula midoobaan xubnaha ehelooda ee nool.
Ciidamada kahortaga rabshadaha ayaa awoodi waayay in ay xakameeyaan dibadbaxyaasha Yuhuudda, waddooyinka qaar ayay dhinac jabsadeen iyaga oo u gudbday goobo amnigooda aad loo adkeeyay lana doonayay in laga hortago u gudubka bannaanbaxayaasha.
Waxa ay dibadbaxyaashu sheegeen in aanay dib u laaban doonin ilaa inta Netanyahu ku dhawaaqayo xabbad-joojin ka dhaqangasha Magaalada Gaza, kaddibna uu miiska wadahadalka ku raadiyo soo deynta Maxaabiista Yuhuudda ah ee Xamaas qabsatay sanadkii hore.