Arbaco 25 Feb 2026 {CBB}War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ay iska kaashadeen saaxiibadood Caalamiga ah oo ka dhacay deegaanno ka kala tirsan Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno katirsan AS.
Warka NISA ayaa lagu sheegay in xubnaha la dilay ay ka badan yihiin 23 ruux oo katirsan ‘AS’ kaddib markii lagu beegsaday Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, waxa uu howlgalkaan oo ahaa mid dhacay 4 jeer uu socday muddo todobaad ah sida warka lagu yiri.
Meelaha sida gaarka ah howlgallada looga fuliyay waxaa kamid ah Waab-weyn & Goobo oo hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas lagu dilay xubin sare oo lagu magacaabo Mustaf Caato iyo xubno kale oo la socday sida bayaanka lagu xusay.
Dhanka Shabeelaha Dhexe waxaa howlgalkaan uu si gaar ah uga dhacay Deegaanno hoostaga Maxaa Siciid, waxaana guud ahaan lagu dilay in ka badan 23 xubnood oo katirsan ‘AS’ sida lagu yri warka kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya.
NISA ayaa xustay in howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ay xooggaysteen kaddib markii ciidamada sirdoonka ay soo heleen xogo lagu fulin karo howlgalladaas waxaana garab ka siiyay Saaxiibada Caalamiga ah ee weerarrada cirka ah ka caawiya Dowladda Federaalka Soomaaliya.



