Home WARARKA MAANTA Qaxooti Soomaaliyeed oo Saboolnimo & Xasilooni darro ku wajahaya Yemen

Qaxooti Soomaaliyeed oo Saboolnimo & Xasilooni darro ku wajahaya Yemen

0
1

Arbaco 25 Feb 2026 {CBB}Al-Basaatiin oo ku taalla hareeraha Caasimadda ku meel-gaarka ah Yemen ee Cadan waa meesha ugu badan ay ku nool dad Soomaali ah oo sanado kala duwan tagay dalkaas isla markaana u dulqaatay dhibaatooyin ka dhacay waddankaan Carbeed.

Xaalado dhanka nolosha ah ayaa haatan haysta qoysas badan oo kamid ah Soomaalida ku nool xaafaddaas, waxa ay wajahayaan Saboolnimo iyo Xasilooni darro, saamaynta ugu wayn waxa ay la kulmeen markii dagaallada sokeeye uu galay isla dalkaas.

Meesha ay degen yihiin waxaa loogu yeera Muqdishada Yemen waxaana ku nool dad u badan Soomaali, qoysaska qaar ayaa la sheegay in ay halkaas deggen yihiin tan iyo 1990-meeyadii kolkaas oo Soomaaliya ay ka qarxeen dagaalladii Sokeeye.

Qiyaasta Dadka Soomaalida ah ee ku nool Al-Basaatii waa 40 kun oo qof, waxa ay ka badan yihiin dadka u dhashay Dalkaas ee halkaas ku nool sida lagu muujiyay Warbixinno waqtiyo kala duwan laga soo diyaariyay xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirta.

Waa sidee xaaladda Ragga Soomaalida ah ee ku nool Al-Basaatiin?

Marka uu waagu baryo waxa ay tagaan waddooyinka waa weyn ee xaafaddaas iyaga oo raadinaya shaqooyinka maalinlaha ah sida dhismaha iyo shaqoonka kale ee gacanta si ay uga soo helaan wixii maalintaas ay nolosha qoyskooda ku maarayn lahaayeen.

Lacagaha lagu siiyo shaqooyinka ay qabtaan Ragga waxa ay u dhaxaysaa 3 kun ilaa 4 kun oo riyaal oo Yemeni ah maalintii waana wax ka yar $3 Dolllar, lacagtaasi kuma filna baahida qoyskooda oo ku nool hal qol oo aan lahayn adeegyada aasaasiga ah.

Haweenku maxay iyanna qabtaan?

Haweenku waxa ay qaarkood waa intooda heli kartee ay qabtaan ganacsi yar sida in ay miisas dhigtaan hareeraha waddooyinka, waxaa mararka qaar dhacda in xitaa ay waayaan cid wax ka iibsata iyaga oo niyad jabsan ayay dib guryahooda ugu laabtaan.

Marka Aabaha uu shaqo soo waayo, Hooyadana u iibsami wayso waxa yar ay heysato waxaa dhacda in Habeenkaas ay jiiftaan caloosha oo maran, in ay wax cunaan waa mid ku xiran sida ay wax usoo helaan Aabaha iyo Hooyada waana xaalad kale oo adag.

Carruurtu halkii ay waqti u heli lahaayeen waxbarasho waxaaba looga maarmin in ay dhinacooda shaqo ka raadiyaan si loo maareeyo nolosha adag ee qoyska, waana culays kale oo saamayn taban ku leh mustaqbalkooda.

Yemen waxaa ku nool Qaxooti Soomaaliyeed oo u arka in ay ku helayaan Nolol uga wanaagsan tan dalkooda, halka Soomaaliya ay ku nool yihiin Qaxooti Yemeniyiin ah oo qudhooda aaminsan in ay helayaan nolol uga wanaagsan tan waddankooda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here