Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasiirka Cusub ee Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Koonfur Galbeed oo Si Rasmi...

Sawiro;-Wasiirka Cusub ee Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Koonfur Galbeed oo Si Rasmi ah Xilka Ula Wareegay Baydhabo

2
0

Sabtii 28 Feb 2026 {CBB}Baydhabo – Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Hassan Ali Amar Dambe, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Wasaaradda, kadib munaasabad xil-wareejin ah oo si heer sare ah loogu qabtay magaalada Baydhabo.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Xildhibaano, Agaasimaha Madaxtooyada, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, kuwaas oo dhammaantood muujiyey taageeradooda iyo rajada ay ka qabaan hoggaanka cusub ee Wasaaradda.

Mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa si wadajir ah u adkeeyey muhiimadda ay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulku u leedahay horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha, isku socodka bulshada, iyo kobcinta adeegyada gaadiidka ee guud ahaan deegaanada Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed. Waxay tilmaameen in horumarinta waddooyinka, garoomada diyaaradaha, iyo isku xirka gobolladu ay laf-dhabar u yihiin kobaca ganacsiga iyo adeegyada bulshada.

Wasiirka cusub, Mudane Hassan Ali Amar Dambe, ayaa khudbaddiisa ku ballan qaaday in uu si hufnaan, daacadnimo iyo isla-xisaabtan leh u gudan doono waajibaadka loo igmaday. Waxa uu sheegay in mudnaanta koowaad uu siin doono tayeynta adeegyada gaadiidka, horumarinta isku xirka gobollada iyo degmooyinka, iyo xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda la leedahay hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa ku soo geba-gabowday jawi wanaagsan, iyadoo mas’uuliyiinta iyo marti sharaftu ay Wasiirka cusub u rajeeyeen guul iyo in uu horseedo isbeddel muuqda oo lagu horumarinayo adeegyada gaadiidka ee Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here