Sabtii 28 Feb 2026 {CBB}Baydhabo – Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaacisay in dib loo bilaabay bixinta adeegga “dalku joogga” ee ajaaniibta ka howlgala deegaanada KGS, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 28-ka Febraayo 2026.
Go’aankan ayaa yimid kadib warqad sumadeedu tahay Ref: HSJ/XAG/0144/25 oo ka soo baxday Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, taas oo lagu sheegay in la hakiyey bixinta deganaanshihii ay hay’addu ka bixin jirtay xarumaheeda dowlad-goboleedyada dalka.
Wasaaradda Amniga Gudaha KGS ayaa sheegtay in ay tixgelisay cabashooyinka iyo baahida weyn ee ay qabaan ajaaniibta ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed, isla markaana ay go’aamisay in si degdeg ah dib loogu bilaabo adeegga dalku joogga, si loo fududeeyo howlaha sharciyeynta iyo deganaanshaha.
Wasaaraddu waxay faraysaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Koonfur Galbeed in si degdeg ah loo bilaabo bixinta adeegga, isla markaana lagu gaarsiiyo dhammaan xafiisyada ay hay’addu ku leedahay deegaanada KGS.
Sidoo kale, Wasaaradda Amniga Gudaha KGS ayaa dhammaan shirkadaha ay u shaqeeyaan ajaaniibta degan KGS ku amartay in baasaboorrada ka dhacsan dalku joogga laga dalbado xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee magaalada Baydhabo.
Wasaaraddu waxay si adag uga digtay in shirkad kasta oo qaadda baasaboorka ajnabi ku sugan KGS si loogu sameeyo fiiso ama sharciyeyn meel ka baxsan Koonfur Galbeed, gaar ahaan Mogadishu ama xarun kale, ay la kulmi doonto ciqaab adag iyo ganaax. Sidoo kale, shaqsiga baasaboorkiisa si sharci darro ah loo qaado waxaa laga musaafurin doonaa deegaanada KGS.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Amniga Gudaha KGS ayaa sheegtay in wixii caqabado ah ee ka dhasha arrimaha dalku joogga ee muranka ka taagan yahay ay masuuliyaddiisa qaadi doonto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, oo markii hore joojisay adeeggan iyadoo aan la sameyn tashi ku filan.
Wabillaahi Towfiiq.







