Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed oo Xilka Si Rasmi ah...

Sawiro;-Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed oo Xilka Si Rasmi ah Ula Wareegay

0
2

Sabtii 28 Feb 2026 {CBB}Baydhabo – Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa xilka loogu wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Mohamed Isack Osman (Fanax).

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal, Guddoomiyaha Gobolka Bay, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, shaqaalaha Wasaaradda iyo marti sharaf kale, kuwaas oo muujiyey taageeradooda iyo rajada ay ka qabaan hoggaanka cusub.

Wasiirkii hore, Mudane Abdullahi Haji Hassan, ayaa ka warbixiyey waxqabadkii Wasaaradda muddadii uu xilka hayey, isaga oo xusay dhismaha xarun casri ah oo Wasaaraddu yeelatay, dejinta sharciyo muhiim ah, iyo horumarinta golayaasha deegaanka ee dowladaha hoose.

Wasiirka cusub, Mudane Mohamed Isack Osman (Fanax), ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed kalsoonida loo muujiyey, isaga oo caddeeyey in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay laf-dhabar u tahay dowladnimada, nabadda iyo maamul wanaagga.

Wuxuu ballanqaaday in uu mudnaan gaar ah siin doono xoojinta maamul wanaagga, taageeridda dowladaha hoose, adkeynta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, iyo kobcinta xiriirka u dhexeeya dowladda iyo shacabka, si loo gaaro horumar waara oo ku dhisan wadajir iyo isla xisaabtan.

Munaasabadda ayaa ku soo geba-gabowday jawi wanaagsan, iyadoo mas’uuliyiinta iyo marti sharaftu ay Wasiirka cusub u rajeeyeen guul iyo in uu door muuqda ka qaato horumarinta Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here