Home WARARKA CAALAMKA Soomaaliya oo si xeeladaysan uga hadashay weerarka Xulufada Maraykanka ee Iiraan &...

Soomaaliya oo si xeeladaysan uga hadashay weerarka Xulufada Maraykanka ee Iiraan & Jawaabta Tehran ay bixisay

0
1

Axad 1 March 2026 {CBB}Soomaaliya oo xubin ka ah 15ka Dal ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa codkeeda ka dhiibatay shirkii degdega ahaa ee Golahaas uu ka yeeshay xaaladda kasoo cusboonaatay Bariga Dhexe gaar ahaan weerarkii lagu qaaday Iiraan iyo Jawaabta ay bixisay.

Shirkaan waxaa lagu dhagaystay madax kala duwan oo ka kala socday dalalka qaarkood ku lugta leh colaadda iyo kuwo kale oo bannaanka ka jooga, waxa ay ka dhiibteen dooddooda la xiriirta sida ay u arkaan dagaalkaan & qaabka loo joojin karo.

Maxamed Raabi Yuusuf oo ah ku xigeenka Ergayga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa khudbad uu ka jeediyay waxa uu si xeeladaysan uga hadlay arrinta taagan, waxa uu cambaareeyay Maraykanka & Israa’iil oo weerarka billaabay & Iiraan oo dalalka beegsatay.

Raabi ayaa sheegay in ay Soomaaliya cambaarayneyso weerarka Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, halka sidoo kale uu dhaleeceeyay jawaabta Tehran ay ku beegsatay Dalalka Khaliijka kaddib markii la weeraray.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here