Home WARARKA MAANTA Guddoonka Golaha Shacabka oo hor istaagay in ay Muqdisho ka dhoofaan Xildhibaanno...

Guddoonka Golaha Shacabka oo hor istaagay in ay Muqdisho ka dhoofaan Xildhibaanno u socday Garoowe

2
0

Isniin 2 March 2026 {CBB}Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in uu bixiyay amarka lagu hor istaagay Xildhibaanno katirsan Golahaas oo safar u ahaa Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-Goboleedka Puntland.

Xildhibaannadaan oo deegaan doorashadoodu tahay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa u socday kulan uu isugu yeeray Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni si ay uga arrinsadaan xaaladda dalka sida ku warrameen qaarkood oo la hadlay Warbaahinta.

Waxa ay dalbadeen in loo caddeeyo sababta loo hor istaagay socdaalkooda Magaalada Garoowe, waxaana markii dambe lagu wargeliyay in aanay jirin fasax ay ka haystaan Guddoonkooda si ay uga safraan Muqdisho.

Xildhibaannada oo soo duubay muuqaallo ay uga hadlayaan arrintaan waxa ay ku doodeen in naftooda halis la geliyay kaddib markii loo diiday in ay caga dhigtaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Dowlad-Goboleedka Puntland.

Saaka ayay isku dayeen in ay markale raacaan Diyaarad u socotay Magaalada Garoowe balse ma suuragelin iyaga oo ku sugan in ay garoonka Aadan Cadde bannaanka uga soo baxeen maadaama ay ku guuldaraysteen safarkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here