Home WARARKA MAANTA Gudoomiye Aadan Madoobe “Xildhibaannadii la ganaaxay imaada ayaan leenahay oo wuu dhammaaday...

Gudoomiye Aadan Madoobe “Xildhibaannadii la ganaaxay imaada ayaan leenahay oo wuu dhammaaday Ganaaxiina”

2
0

Jimco 6 March 2026 {CBB}Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Xildhibaannadii saddexda jeer laga ganaaxay fadhiyo dhowr ah u sheegay in ganaaxaas ka dhammaaday dibna usoo laabtaan.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in ansixinta Dastuurka Dalka soo idlaaday maadaama sababta ay u baajinayeen arrintaas ahayd, waxa uu ka dalbaday in fadhigooda ugu horreeya ay dhammaan soo xaadiraan sida uu hadalka u dhigay.

Inkasta oo Baarlamaanka uu fasax galay waxa uu Sheekh Aadan Madoobe tilmaamay in fadhiyada u harsan ay ku shaqayn doonnaan Dastuurka cusub ee dhammaystiran ee maalin kahor uu meelmariyay Baarlamaanka.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa sheegay in guusha Baarlamaanka uu ka gaaray dhammaystirka Dastuurka Dalka ay tahay mid guud ahaan Xildhibaannada ay wada leeyihiin xitaa kuwa diidanaa shaqadaan maadaama ay kawada mid yihiin Baarlamaanka 11aad.

“Xildhibaannadii la ganaxaay imaada ayaan leeyahay oo wuu dhammaaday ganaaxiina, dastuurkana waala ansixiyay, waxa ay lamid yihiin Xildhibaannada kale, wax naga halaysan ma jiraan, waan dedaalnay, guushana waan wada leenahay” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaanno u badan kuwa Mucaaradka ah ayaa diidan hannaanka loo maray dhammaystirka Dastuurka Dalka, buuq ay ku sameeyeen xarunta Villa Hargaysa ayaa sababtay in laga ganaaxo kulamo dhowr ah, waxaana ay ka maqnaayeen u codaynta Dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here