Sabti 7 Maarso 2026 {CBB} – Sarkaal ka tirsan militariga Iran ayaa sheegay in iskuday kasta oo Mareykanka iyo Israa’iil ay ku doonayaan in ay ku afgambiyaan maamulka Iiraan iyada oo loo marayo “Fowdo hubeysan” lagala kulmi doono jawaab toos ah oo ay ka mid tahay in la bartilmaameedsado xarunta tamarta Nukliyeerka ee Dimona ee Israa’iil.
Sarkaalku waxa uu intaa ku daray, hadal lagu baahiyey mareegaha wararka Iiraan oo sheegaya in “fulinta qorshe kasta oo looga gol-leeyahay in lagu dumiyo nidaamka ay ku khasbayso Iiraan inay beegsato kaabayaasha tamarta ee gobolka”.
Inkasta oo Israa’iil aysan waligeed si rasmi ah u qiran in ay haysato hubka Nukliyeerka, haddana qiimayn caalami ah oo badan ayaa muujinaysa in ay haysato. Barnaamijkeeda Nukliyeerka ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah hubka sirta ah ee wax gumaada ee caalamka.
Israa’iil ma aysan saxiixin heshiiska ka hortagga faafinta hubka Nukliyeerka oo ah heshiis caalami ah oo looga hortagayo fiditaanka hubkan.
Sababtaas awgeed, xarumaheeda Nukliyeerka ayaan hoos imanayn nidaamka ilaalinta tamarta Nukliyeerka ee caalamiga ah, kaas oo u oggolaanaya wakaaladdu inay kormeer joogto ah ku sameyso xarumaha Nukliyeerka ee dalalka ku biiray heshiiska.
Awoodaha Nukliyeerka ee Israa’iil ayaa weli ah mawduuca qiyaasaha sirdoonka ee aan la hubin tan iyo 1960-meeyadii, markii ay billowday in ay ka shaqeyso tamarta Nukliyeerka ee Dimona ee saxaaraha Negev.
Bartamihii 1980-meeyadii, qayb ka mid ah awooddaas ayaa la shaaciyay ka dib markii Injineerkii hore ee Nukliyeerka Mordechai Vanunu uu siiyay wargeys Ingiriis ah sharraxaad iyo sawirro waxa uu ku sheegay inay yihiin madaxyada Nukliyeerka ee Israa’iil.
Xogta uu daaha ka qaaday Vanunu ayaa keentay in dib loo qiimeeyo qiyaasihii hore ee xaddiga hubka Nukliyeerka ee Israa’iil, kaas oo sanadkii 2003-dii lagu qiyaasay in aanu ka yarayn 100 madax oo Nukliyeer ah lagana yaabo in uu gaari karo ilaa 200.
Ma jiro wax caddaynaya in Israa’iil ay samaysay tijaabo Nukliyeer ah oo si cad loo aqoonsan yahay. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaasha qaarkood ayaa soo jeedinaya in qarax looga shakisan yahay in uu ka dhacay koonfurta badweynta Hindiya 1979-kii uu ahaa tijaabada Nukliyeerka ee Israa’iil, lagana yaabo in lala kaashaday Koonfur Afrika, inkastoo aan weli la xaqiijin.







