Sabti 7 Maarso 2026 {CBB} –Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa la sheegay in uu qaatay go’aan ka caraysiinaya Dalalka Carabta iyo kuwa Yurub kaddib markii uu maamulkiisa go’aansaday in uu Ruushka ka qaado cunaqabaynta dhinaca shidaalka ah ee Washington u saartay.
Donald Trump oo doonaya in uu dhinac isaga jeediyo culayska ka dhashay dhinaca kororka shidaalka Dunida isla markaana ay ku adag tahay soo afjaridda colaadda Bariga Dhexe ayaa ku qasbanaaday in uu xayiraadda ka qaado Shidaalkaas uu leeyahay Ruushka.
Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka, Scott Bessent ayaa sheegay in tallaabadaan ay u badan tahay in Washington ay dhaqangeliso si looga hortago halista shidaal la’aanta jirta mar haddii Iiraan ay xirtay Marinka Hormuz oo 20% shidaalka dunida maro.
Dalalka Carabta oo suuq ahaan Maraykanka heshiis kula jiray shidaalkooda ayaa meesha ka baxaya, waxaa hoos u dhacaya dhaqaalahooda waana tan keentay in ay haatan ka shiraan saamaynta arrintaan ee Mustaqbalkooda.
Sidoo kale Dalalka Yurub ee Ruushka kasoo horjaystay iyaga oo kala saftay Ukraine ayay waji-gabax u tahay maadaama Donald Trump uu ku horqaaday tallaabo niyad jab u noqonaysa dhankooda isla markaana dhiirragelinaysa Xukuumadda Moscow.







