Home WARARKA CAALAMKA Iiraan oo xoogga saaraysa beegsiga Saraakiisha ugu firfircoon ee Maraykanka

Iiraan oo xoogga saaraysa beegsiga Saraakiisha ugu firfircoon ee Maraykanka

2
0

Axed 8 March 2026 {CBB}Dowladda Iiraan ayaa la sheegay in ay dejisay qorshe culus oo ka dhan ah saraakiisha hormuudka u ah howlgallada cirka ah ee u dhashay Maraykanka kuwaas oo si xad dhaaf ah u bartilmaameedsaday goobo bulsho sida Iskuullo, Xarumo dan guud ah iyo meelo kale oo ku yaalla Dalkeeda.

Sarkaal sare oo katirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanta Dalka Iiraan ayaa sheegay in kooxo si gaar ah u tababaran in loo diray beegsiga xubnaha laf-dhabarka u ah howlgallada Maraykanka si nafta loo dhaafiyo iyada oo lagu dhex beegsanayo xarumaha iyo goobaha ay ku dhuumanayaan.

Maraykanka ayaa markii uu helay xogtaas waxa uu bariga dhexe kala baxay Saraakiil sare kuwaas oo la sheegay in la geeyay meelo kala duwan oo Yurub ah iyaga oo kor kala socda howlgallada halkaasina ay ka bixinayaan awaamiirta fulinta duqaymaha.

Iiraan ayaa dhanka kale ku hanjabtay in ay badda ku dari doonto Maraakiibta Dagaalka iyo kuwa Ganacsiga Maraykanka haddii ay fursad ku hesho, waxa ay Tehran intaas ku dartay in aanay jirin sabab ka baajin karta in ay beegsato Danaha Maraykanka & Israa’iil meel weliba oo dunida ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here