Axed 8 March 2026 {CBB}Maraykanka & Israa’iil ayaa fuliyay duqaymo culus oo lacag badan ku baxday waxaana ay ku beegsadeen Mid kamid ah Garoomada Diyaaradaha Iiraan oo xiligaas dhulka lagu sawiray diyaarado dagaal oo loo ekeysiiyay in ay halkaas yaallaan.
Tani waxaa lagu fasiray sida degdega ah ee Diyaaradaha Maraykanka iyo Israa’iil ee isu bahaysanaya duullaanka ka dhanka ah Iiraan ay uga baxayaan Hawada Dalkaas waa marka ay galaan si aanay dhibaato uga soo gaarin jawaabaha ay la kulmi karaan.
Waxaa kale oo lasoo bandhigay Buufin laga sameeyay Taankiyo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicop-ka loo yaqaan oo qudhooda la dhigay Garoomo diyaaradeed halkaasina waxaa ku duqeeyamay isbahaysiga ka dhanka ah Iiraan.
Dagaalka duqaymaha waxaa dhinac socda mid dhinaca Teknoolajiyadda iyo farsamooyin kale kuwaas oo dhinac weliba uu adeegsano inta ay aqoontiisu gaarsiisan tahay maadaama ay ku loolamayaan guusha ugu dambaysa ee dagaalka.







