Axed 8 March 2026 {CBB}Madaxweynaha maamulka Gobollada Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa soo gabagabeeyay wadatashi ku aaddan isku shaandhaynta Golihiisa Wasiirrada oo qaarkood xilka ka tuuri doonno sida wararku sheegayaan.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa u arka qaar kamid Wasiirrada Xukuumaddiisa in aysan lahayn saamayn muuqata waa marka la eego dhinaco Bulshada iyo bannaanka taasi awgeed ayuu u qaatay go’aankaan sida xogaha ay muujinayaan.
Cirro ayaa xubno cusub kusoo daraya Golihiisa Wasiirrada, waxaana dadkaas kamid ah shaqsiyaad kaalin wayn kasoo qaatay waqtigii ololaha doorashadii uu ku guulaystay kuwaas oo muddo bannaan joog ka ahaa siyaasadda.







