Axed 8 March 2026 {CBB}Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta, Maxamed Bin Zaayid Al Nahyaan ayaa booqday qaar kamid ah Goobaha Caafimaadka ee Abu dhabi halkaas oo lagu daweynayo bukaanno ku dhaawacmay duqaymaha iyo qaraxyada lagu xiray Drones-ka ee Iiraan beegsatay Dalkaas.
Maxamed Bin Zaayid Al Nahyaan ayaa sheegay in Dowladda Imaaraatka ay jawaab ka bixin doonto ‘Daandaansiga iyo xadgudubka Iiraan ay ku daadisay dhiigga Dadkaas’ waa sida uu yiri isaga oo caafimaad u rajeeyay bukaannada dhaawacyada kala duwan soo gaaray.
“Imaaraatku waxa uu leeyahay Adkaysi weyn oo xooggan, ma nihin Dad si fudud loo ugaarsan karo, Ammaanka Muwaadiniinteenna waa waajib wayn oo na saaran, waxaana qaadi doonnaa tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabadgalyada” Ayuu yiri MW Imaaraatka MBZ.
Dowladda Iiraan ayaa isku khilaaftay joojinta duqaymaha ka dhanka ah Dalal Carbeed oo Imaaraatka safka hore uga jiro, Tehran ayaa ku tilmaamay Abu Dhabi in ay martigelisay Cadawgeeda waa Maraykanka & Israa’iil isla markaana kasoo dhex duullayaan.







