Axed 8 March 2026 {CBB}Madaxweynaha Dalalka ku bahoobay Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa la hordhigay qorshe la xiriira in Dowladahooda ay bixiyaan mushaarka Xildhibaannada Baarlamaanka Ururkaas si loo daboolo culayska dhankaas uga imaanaya.
Guddoomiyaha Xilka wareejiyay ahna Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in qorshaha uu yahay bixinta mushaarka Xildhibaannada muddo xileedka Cusub si looga hortago caqabadaha dhinaca dhaqaalaha ah ee imaan kara.
Soomaaliya oo 9 xubnood ku leh Baarlamaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika, kuwaas oo dhowaan ansixisay Maxkamadda Dalladdaas ugu xilsaaran hubinta Xildhibaannada ay soo dirsadaan Dowladaha ku jira ururkaas.
Dalalka ku midaysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa go’aan ku gaaray in ay xoogga saaraan fududaynta isu gudubka Ganacsiga, dhiirragelinta Dadka hantida leh ee dalalkaas u dhashay iyo in la sal adkeeyo qodobada muhiimka u ah sii jiritaankiisa.
Guddoomiyaha cusub ee xilka Dalladda Bulshada Bariga Afrika ahna Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa lagu wadaa in uu dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Dalladdaas waxaana kamid ah ajandaha miiska saaran.







