Jimco 13 March 2026 {CBB}Sarkaal katirsan Ciidamada Faransiiska ah ee jooga Dalka Ciraaq ayaa qirtay in weerar Iiraan ay u adeegsatay diyaarad nooca duulliye la’aanta ah oo ka dhacay Gobolka Erbil looga dilay mid kamid ah ciidamadaas dalkaas.
Diyaaraddaan oo nooceedu ahaa Shahed ayaa ku qaraxday Ciidamo Faransiis ah waxaana ka dhintay halkaas Askari oo 42 ahaa laguna magacaabo Arnaud Frion, waxaa jira askar kale oo dhaawac kasoo gaaray sida ay warrisay Wakaaladda Wararka AFP.
Waxaa lasoo tebiyay in khasaaraha uu ka badan yahay in ay sheegtay Xukuumadda Paris iyada oo dad kamid ah ehelka askarta ku sugan Dalka Ciraaq ay raadinayaan xogta askar laga qariyay oo loo badinayo in ay dhinteen ama dhaawacmeen.
Faransiiska waa xulufada Maraykanka iyo Israa’iil, sidaas ayay Iiraan u beegsatay ciidamadaan oo dhowr jeer uga digtay in ay faraha kala baxaan colaadda ka dhanka ah inkasta oo ay Paris ka dhega furaysatay balse waxa ay dhadhaminaysaa dhibaatadii ugu horraysay ee soo gaartay.



