Jimco 13 March 2026 {CBB}Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulkeeda loo adeegsado meel laga bilaabo hawlgallo militari, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya sheegaya in Israa’iil qorshaynayso inay saldhig ciidan ka dhisto Somaliland, si duullaan looga qaado Xuutiyiinta dalka emen.
“Soomaaliya ma rabto in dhulkeeda lagu soo jiido iska-horimaadyo dibadeed ama loo adeegsado siyaabo xasilooni darro gelin kara gobolka oo horeba u nuglaa,” ayuu yiri Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Cali Balcad), isagoo la hadlay Al Jazeera Khamiistii shalay.
Digniinta ka timid Muqdisho ayaa timid kadib markii warbaahinta Maraykanka ee Bloomberg iyo idaacadda dadweynaha Sweden ee Ekot ay toddobaadkan soo weriyeen qorshe Israa’iil ay ku doonayso inay saldhig militari ka sameysato agagaarka magaalada istaraatiijiga ah ee dekedda leh ee Berbera ee ku taalla Gacanka Cadmeed.
Warbixinadan ayaa soo baxay iyadoo dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iran uu galay toddobaadkiisii labaad, iyadoo marinka Hormuz la xiray, halka kooxda Houthis ee Yemen ay sheegtay inay diyaar u tahay inay dagaalka ku biirto.
Wareysi uu siiyay Bloomberg, wasiirka madaxtooyada Somaliland Khadar Cabdi ayaa sheegay in Somaliland ay raadineyso xiriir istaraatiiji ah oo ay la yeelato Israa’iil, xiriirkaas oo waxyaabo badan ka kooban. Wuxuu intaas ku daray in suurtagalnimada saldhig Israa’iil aysan weli si rasmi ah looga hadlin, balse mar uun la falanqayn doono.
Cali Balcad ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay’adda keliya ee awood u leh inay dalka wakiil uga noqoto heshiisyada amniga ama militariga ee caalamiga ah.



