Jimco 13 March 2026 {CBB}Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo oo kaashaneysa Hey’adda samafalka ee IHH ayaa deeq raashin ah gaarsiisay in ka badan laba kun oo qof oo danyar ah oo ku nool kaamamka ku yaalla magaalada Baydhabo.
Deeqdan oo isugu jirta bur, bariis, sokor, saliid iyo timir ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska danyarta ah ee ay saameysay abaarta ka jirta deegaannada qaar ee gobolka Baay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo ayaa sheegay in gargaarkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu taageerayo dadka nugul ee ku nool kaamamka barakacayaasha, kuwaas oo wajahaya xaalado nololeed oo adag.
Waxay sidoo kale uga mahadceliyeen Hey’adda IHH kaalinta ay ka qaadaneyso taageerada bulshada danyarta ah, iyagoo xusay in kaalmadan ay wax ka tari doonto baahida raashin ee qoysaska la gaarsiiyey.
Qaar ka mid ah qoysaska helay deeqdan ayaa muujiyey farxad iyo mahadnaq, iyagoo sheegay in gargaarkan uu kusoo beegmay xilli ay si weyn ugu baahnaayeen.




