Home WARARKA MAANTA Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in la tirakoobayo ciidamada ku naafooba howlgallada...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in la tirakoobayo ciidamada ku naafooba howlgallada ka dhanka ah ‘AS’

1
0

Talaado 17 March 2026 {CBB}Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in la tirakoobayo ciidamada ku naafooba howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si aanay u dayacmin ama u niyad jabin maadaama naftooda iyo dhiiggooda ay dalka u hureen.

Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in Amniga la haysto uu ku yimid dedaalka xooggan ee Ciidamada Qalabka sida oo isugu jira kuwa ku sugan Caasimadda iyo kuwa duleedka Bannaanka oo godadka ugu galay ‘AS’ sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada ku sugan furimaha Dagaalka ayuu cod dheer ku gaarsiiyay in ay xoojiyaan howlgallada si loo gaaro hadafka ay u dhinteen saraakiil iyo ciidamo ka dhinac dagaalamay oo ugu dambayn geeriyooday sida uu yiri.

Waxa uu xusay in guddiga loo xilsaaray tirakoobkaan iyo ka shaqaynta sidii Carruurta askarta iyo saraakiisha dhimatay ama naafada ku noqotay howlgallada uu billaabay shaqadiisa si loo garab istaago Dadkaas oo mudan in wax loo qabto.

“Inta naafowday ayaa ka yarayn shuhadada ciidanka, in kuwa naafada ah ay lehaan meelo xirfado gaar ah oo ku munaasab ah qof weliba xaaladdiisa oo aan looga tagin wuu naafoobay” Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallim Fiqi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here