Talaado 17 March 2026 {CBB}War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in maamulkaas uu joojiyay wadashaqaynta kala dhaxaysa Dowladda Federaalka iyada oo ku eedaysay in rabshadaha ka dhacay deegaannada maamulkaan & xiisadda taagan.
Warsaxaafadeedka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in ay arkeen labiska Ciidanka oo Dowlada Federaalka gaysay deegaanno kala duwan si loo huriyo dagaallada ka dhanka ah Maamulkaas sida hadalka loo dhigay.
Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa intaas lagu daray in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku abaabushay deegaannada Koofur Galbeed sidoo kalena Wasiiro katirsan Xukuumadda Dan-Qaran ay ku lug leeyihiin kana jawaabi waysay xiriir ay la sameyeen sida hadalka loo dhigay.
Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka oo looga jawaabay arrintaan, waxaa isasoo taraya xiisadda siyaasadeed ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyada oo deegaannada qaar ay ka dhaceen dagaallo halka meelaha qaar abaabul uu ka socdo.
Hoos ka akhriso;-








