Home WARARKA MAANTA Ciidamada Taliska 60aad ee Baydhabo oo Taageeray Mowqifka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Taliska 60aad ee Baydhabo oo Taageeray Mowqifka Koonfur Galbeed.

0
1

Talaado 17 March 2026 {CBB}Ciidamadii ugu badnaa ee ka tirsan Taliska 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo, ayaa si rasmi ah u shaaciyey in ay garab taagan yihiin mowqifka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS).

Saraakiil ka tirsan taliskaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay u taagan yihiin difaaca nidaamka iyo xasilloonida dowlad-goboleedka, iyagoo adkeeyey in ay fulinayaan waajibaadkooda qaran si waafaqsan sharciga iyo kala dambeynta.

Waxay sidoo kale tilmaameen in ay muhiim tahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ciidamada, si looga hortago wax kasta oo carqaladeyn kara amniga iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.

Ku dhawaaqistan ayaa imanaysa xilli ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, taas oo keentay in dhinacyo kala duwan ay muujiyaan mowqifyadooda ku aaddan xaaladda taagan.

Ugu dambeyn, saraakiishu waxay ugu baaqeen dhammaan qaybaha bulshada iyo hay’adaha kala duwan in ay ka shaqeeyaan nabadda, wada-hadalka iyo xoojinta dowladnimada

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here