Arbaco18 March 2026 {CBB} Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u shaacisay in caawa la waayay bishii Shawaal, sidaas darteedna maalinta berri oo Khamiis ah ay tahay maalin Soon ah, oo lagu dhammaystirayo 30-ka bisha barakaysan ee Ramadaan.
Bayaan ka soo baxay Maxkamadda Sare oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Sacuudiga ayaa lagu yiri “Maadaama la waayay aragtida bisha Shawaal fiidnimadii caawa oo Arbaco ahayd, waxaa la go’aamiyay in maalinta berri oo Khamiis ah ay noqoto maalinta 30-aad ee bisha Ramadaan, halka maalinta ku xigta ee Jimcaha ay noqon doonto maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.”
Guddiyada aragtida bisha ee ku kala baahnaa gobollada kala duwan ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay in deegaannadii laga sugayay aragtida bisha laga waayay wax caddeyn ah, taas oo keentay in la dhammaystiro bisha Ramadaan.
Go’aankan ayaa la micno ah in dhammaan dadka Muslimiinta ah ee ku xiran sugidda bisha ee dalka Sacuudiga ay berri sooman yihiin, maalinta Jimcaha ahna ay u dabbaal-degi doonaan munaasabadda Ciidul Fidriga.
Sidoo kale waxaa gudaha Soomaaliya la sugayaa go’aanka Dowladda Federaalka ee la xiriira maalinta ciida.







