Arbaco 4 Nov 2026 {CBB}Dhuusamareeb: Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, oo magaalada u yimid ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug.
Soo dhaweynta ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga munaasabadda caleema-saarka oo la filayo inay maalinta berri ah ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda ee ka qeybgalaya munaasabadda, taas oo lagu caleema-saarayo hoggaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Munaasabadda ayaa la filayaa inay isugu timaaddo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale.








